Beledxawo oo Alshabaa Gacanta u Galay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beledxawo oo Alshabaa Gacanta u Galay

September 11 (Mareeg— Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmada Beledxaawo oo saacado ka hor ay la wareegeen, kaddib markii saaka aroortii ay weerar ku qaadeen.

Duqeymo xooggan oo ciidamada Kenya ku qaadeen Beledxaawo ayaa la sheegay in Al-Shabaab isaga baxeen, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Diyaarado Helicoptero ayaa la sheegay inay dul heehaabayeen degmada, markii Al-Shabaab la wareegeen, waxaana xaalada ay iminka tahay mid degan.

Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerar xooggan ku qaadan saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka Beledxaawo, halkaasoo fariisin u aheyd Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada milateriga.

Weerarkaas ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saldhiga lagu qaaday, kaddibna ay xigtay dagaal toos ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig boolis oo ku yaalla gudaha degmada, waxaana markii dambe u suurta gashay inay la wareegaan.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen in ka badan 20 askari.

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha ka dhashay dagaalka, maadaama ay xilli hore tahay, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka.

Degmada Beledxaawo ayaa ku dhow xuduuda Kenya, waxayna dhowr KM u jirtaa magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!