Belaha Maxmad Muuse iyo Wallamow oo dagaal ku dhexmarey gelinkii dambe ee maanta duleedka magaalada Jowhar

Read Time:1 Minute, 49 Second

Mareeg.com-Xaalada deegaanadii uu iska horimaadku ka dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa degen caawa iyadoo ay soo baxayaan faahfaahin qasaaraha uu geystay dagaalka.

Iskahorimaadkan ayaa waxa uu ahaa mid labada beelba ay maalmihii la soo dhaafay isku bir tumanayeen waxaana gelinkii dambe ee maanta uu gaaray heer dagaal socday saacado uu ka dhaco deegaan ay beeralay iyo xoolo dhaqato ku sugnaayeen oo ku yaal dhinaca Waqooyi Bari ee magaalada Jowhar.

Rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayeen ayaa laga maqlayay magaalada Jowhar iyo deegaanaa ku dhowdhowba.

Illaa iyo hadda ma jirto tiro sax ah oo ah tirada dadka wax ku noqday iska horimaadkan, hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in uu jiro labada dhinacba qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay ay gaarayaan illaa toban ruux halka warar kalana ay tilmaamayaan in ay tirada dhimashada intaa ka badan tahay. Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay iskahorimaadkan ayaa la sheegay in madaxa laga jaray.

Dad ku dhow dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalku uu joogsaday maqribnimadii kadib markii roob xoog leh uu da’ay isla markaana mugdi uu soo galay. Illaa iyo haddana ma jiro wax dhaawacyo ah oo la soo gaarsiiyay isbitaalka magaalada Jowhar sida ay sheegeen qaar kamid ah dhaqaatiirta ka howlgalaysa isbtiaalka.

Waxaa soo baxaya baaqyo ku aadan in la joojiyo colaada. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta booqasho saacado qaatay ku tegey magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalmay in ay colaada joojiyaan waxana uu madaxweynuhu ka codsaday duqeyda dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in colaada la soo afjaro.

Sidoo kale Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle iyo guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji Cabdulle ayaa ugu baaqay qeybaha iskahorimaadku ku dhex maray degmada Jowhar inay dirirta joojiyaan wax walbana lagu dhameeyo wadahadal.

Saddex bilood kahor ayaa beelaha Maxamed Muuse iyo Walamoy waxa ay ku gaareen heshiis magaalada Jowhar iyadoo haatan heshiiskaas uu noqday mid burburay.Colaada u dhexeysa labada beelood ayaa waxa uu ku salka ku hayaa dhul beereed iyo dhul daaqsineed iyadoo beel walba ay sheeganayso in ay xaq u leedahay dhul ballaaran oo ku yaal dhinaca Waqooyi Bari ee magaalada Jowhar.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %