Beesha Muqtaar Roobow oo shuruud ku xirtay la Shaqeynta Maamulka K/Galbeed — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beesha Muqtaar Roobow oo shuruud ku xirtay la Shaqeynta Maamulka K/Galbeed

Magaalada Baydhabo waxaa Maanta kulan ku yeeshay Mid ka Mid ah Beelaha Koonfur Galbeed oo Tabasho ka qabey Doorashadii koonfur Galbeed Soomaliya Lagu doortey Madaxweyne Abdiasiis oo hal sano ka soo warwegtey iyo Xubno ka tirsan koonfur Galbeed.

Kulanka qeyb galey Xildhibaano, Odayaaaha Dhanka KG iyo Mas’uliyiin kale ujeedada shirka ayaa ahaa Dib uheshiisiyiin lagu Xalinaayay xurgufta u dhaxeeye Madaxda Sar e ee Koonfur Galbeed iyo Beesha Muqtaar Roobow oo u xiran Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaradda Arrimaha KGS ayaa sheegay inay xaliyeen tabashooyinkii ay qabeen Beelahaasi,waxana odayaasha beeshaas mataleyay ay Ballan qadeen in ay Nabada ay qaateen ayna la shaqeyn Doonan D Koonfur Galbeed uu hogaamiyo Madaxweyne Abdiasiis Xasan Mohamed Lafta-gareen.

Qaar ka Mid ah odayaasha Dhaqanka KGS ayaa sheegey in dib u heshiisiyiinta ay qaateen Horumarka Dowladnimada Koonfur Galbeed ay ka shaqeyn doonan waxana Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka codsadeen in Xuriyadiisa la siiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka KGs Mohamed Abuukar ayaa ka hadley Muhiimada shirkan Wuxuna sheegey in Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Diyaar u yahay Xalinta Tabasho waliba aad qabaan .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!