Beesha Mudulood ee Norway oo ka xaajooday dhismaha jidka Muqdisho iyo Hobyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beesha Mudulood ee Norway oo ka xaajooday dhismaha jidka Muqdisho iyo Hobyo

Mareeg.com: Xaflad soo dhaweyn Iyo wada-tashi ah ayaa lagu qabtay Magaalada Oslo, iyadoo uu kasoo qeyb galay Ugaaska Beesha Mudulood Ugaas Maxamuud Ugaas Cali Ugaas oo soo gaaray Wadanka Norway.

Soo dhaweyn kadib waxaa halkaasi ka hadlay xubno matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada kuu dhaqan soo dhaweyn kadib waxaa halkaasi looga hadlay dhawaaqii Muqdisho ee hogaamiyayasha dhaqanka beesha Mudulood iyo baahida taagan ee wadada isku xirto Muqdisho ilaa Hobyo dhismaha wadada xeebta ah uu bacaadka xiray loona baahan yahay in si iskaa wax u qabso ah lagu dhiso wadadaas oo faaiido u leh dadka ku go.doonsan baadiyaha oo anan heli karin gaadiid ka bixi karo wadadaas islamarkaas loo baahan yahay jaaliyada Mudulood ee degan caalamka iney bilaabaan dhaqaalaha lagu dhisaayo wadadaas, kadibna la gaarsiiyo walaalha kale ee  adeegsamaaya wadadaasi.

Ugaaska Ayaa Kula dardaarmay Jaaliyada Mudulood Iney Xilweyn Iska saarto dhismahaas Ugaaska Maxamuud ayaa Sheegay Ineysan Dhaqaalo Kaliya U baahneyn wadadaas,  Balse Jaaliyada Looga baahan yahay fikirkooda Iyo Weliba Iney gudiyo u sameystaan Ka howlgala Wadadaas oo wax ka maamulo oo goob Joog ka ahaado hirgelinta wadada Dheer ee marta Xeebta aan waxba laga qaban Xuriyada Kadib Iyo Dowladihii na soo maray, waxaana Ugaasku uu Halkaas bilad Sharaf ah gudoon siiyay fanaanka weyn Bashiir Cali Xuseen Iyo Abwaan Xuseen Madoobe Shaaciye Oo Hees Shirib ah u sameeyay Iyo Boqorka Shiribka Oo Heestaas Qaaday Xuseen Cadule Calasow oo goobta Ka maqnaa, Ugaas ayaa kaga mahad celiyay sugaanta ay ugu talagaleen Dhiiri Gelinta Dhismaha Wadadaas.

Ugaas Maxamuud ayaa ka codsaday aqoonyahanada wax ka bartay Dhismaha Wadooyinka Iney la soo Xiriiraan Gudiga Dhismaha Wadadaasi,  ugana qeyb qaataan fikir Iyo xoogooda  waana sadaqo  Jaariya oo Cidii wax ku Darsato ay anfaceyso Maalinta Aaqiro Waana Waajib Diini Ah oo Saaran Ummadda.

Ugaas Maxamuud ayaa Ugu Baaqay Soomaalida Meel Kasta oo ay Joogaan Iney Midoobaan, Una Istaagaan Waxna Ka Qabtaan Baahiyaha Guud ee Ka Jiro dalka mar uu la Kulmay Jaaliyada Kale ee Degan Magaalada Oslo.

Guntii Iyo Gabagabadii Xaflada ayuu Ugaasku Ugu Duceeyay Soomaalida In Ilaahey ugu Naxariisto oo Nabad siiyo Meel ay Joogaanba Kana dul qaado Colaadaha Iyo Abaaraha Ku Habsaday Dalka, wuxuu u Mahad Celiyay Ka qeybgalayaasha Shirkan Iyo Gudigii soo Abaabulay Xafladaan oo Xil Gaar ah Iska saaray Qabsoomideeda.

ISHA: Somaliweyn

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!