Beesha Carab Soomaali oo eed U jeedisay EX-Xildhibaan hore Ibraahim Saalax Deyfullaahi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beesha Carab Soomaali oo eed U jeedisay EX-Xildhibaan hore Ibraahim Saalax Deyfullaahi

Aqoonyahano , Wax garad ,Odayaal ,Dumar iyo Dhalin karo ka tirsan Beesha Carab Soomaali ayaa kulan ku qaatay magaalada Muqdisho, waxa ay eed u jeediyeen EX-Xildhibaan hore Ibraahim Saalax Deyfullaahi oo meel kaga dhacay arrin fool-xunna ku sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed ay diidaan go’aankii maxkamadda sare ee ku aadanaa in lagu laabto doorasho 8 kursi oo golahaasi kamid ah.

Xubno ka tiran beesha oo hadlay ayaa sheegay in uu muddo 12 sano si qaldan ugu fadhiyay kursiga xildhibaan nimo ay leeyihiin beesha carab soomaali waxayna cadeeyeen in uu san u dhalan Beesha Carab Soomaali EX-Xildhibaan hore Ibraahim Saalax Deyfullaahi haatana uu wali damac kaga jiro in uu helo kursigaas oo ay beesha si sharci ah hore ugu dooratay xildhibaankii u matali lahaa Baarlamaanka 10aad ee golaha shacabka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah waxgaradka beesha Carab Soomaali ayaa yiri” Ibraahim Saalax Deyfullaahi waxa aan ugu baaqayaa in uu u dhego nuglaado go’aamadii ka soo baxay golaha shacabka ee Baarlamaan Soomaaliyeed kulinkii shalay ay ku diideen go’aankii maxkamadda sare ee ku aadanaa in lagu laabto doorasho 8 kursi oo golahaasi kamid ah”.

Dhinaca kale, 180 ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ansixiyay qaraar ka dhan ah go’aankii maxkamadda sare ee dalka ay gaartay May 16, 2017-ka kaas oo ahaa in lagu celiyo doorashada 8 kursi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!