Beesha Caalamka oo loo Gudbiyay Magacyada Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya (Aqriso Magacyada Guddigan) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beesha Caalamka oo loo Gudbiyay Magacyada Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya (Aqriso Magacyada Guddigan)

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka u gudbisay Magacyada Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya, waxaana guddigan ay ka kooban yihiin Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada iyo xubno kale.

Guddigan magacyadooda loo gudbiyay beesha Caalamka ayaa shaqadoodu tahay fududeynta Doorashada la filayo in dhawaan dalka ka dhacdo, waxaana xubnahan ay yihiin kuwa u daacad ah Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhax dhaxaadnimada gudigan loogu tala galay in ay hagaan Doorashada Soomaaliya, waxa ayna tlmamaeen in xubnahan yihiin kuwa meesha la keensaday oo u daacad ah Madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Guddigan la magacaabay ayaa isugu jira Shan Wasiir oo katirsan Xukuumada Soomaaliya, min labo Wasiir oo kasocda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo xubno kale oo iyana matalaya sadaxda Xafiis ee Madaxda Dowlada Soomaaliya sida Madaxtooyada, Xafiiska R/Wasaaraha iyo kan Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Halkan ka Aqriso Magacyada Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya

1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS
2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS
3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS
4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS
5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS
6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
10-Barlin Cadami , Aqoonyahan
11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland
12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL
13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland
14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan JL
15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed
16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan Koonfur Galbeed
17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug
18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan Galmudug
19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!