Mareeg Media
Somalia

Beesha Caalamka oo ka hortimid muddo kororsiga labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliland

Warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, Urur gobolleedka IGAD, Midawga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka, Jarmalka Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, France, Italy, Greece iyo Switzerland ayaa looga soo horjeestay muddo kordhintii ay sameysteen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliland.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in sida kaliya ee ay Beesha Caalamka iyo Somaliland ku sii wada shaqeyn karaan ay tahay in doorashada Guurtida iyo Golaha wakiillada lagu qabto muddadii lagu ballamay ee ku beegan sanadkan 2020ka.

Waxaa ay ugu baaqeen Soomaaliland in lagu soo noqdo xayndaabka heshiiskii xisbiyada Somaliland wada gaareen bishii July ee sanadkan kaas oo ahaa in farsamo ahaan iyo siyaasad ahaan sida ugu suuro galsan loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka inta lagu gudo jiro sanadka 2020.

Waxa ay sheegeen in dhacdooyinka dhacay ee heshiiskan dhaawacaya yihiin kuwo waxyeelaya sumcadda Somaliland ee dhanka dimuqraaddiyadda iyo taageerada beesha caalamka ee Somaliland.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in la dhiso Guddi doorasho oo qabta doorashada Somaliland kaas oo ay qeyb ka yihiin dhamaan jilayaasha siyaasadeed ee Somaliland.

Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa walaac looga muujiyay awoodaha xad-dhaafka ah ee ay adeegsanayaan hay’adaha maamulka iyo xarigga dadka mucaaridka ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!