Beesha Caalamka oo dowladda ka dalbatay in wada-hadal la gasho Xaaf

Read Time:31 Second

Xubnaha beesha caalamka ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in wadahadal lala galo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ilo xog ogaal ayaa sheegay in beesha caalamka ay cadaadis Ku hayso dowladda Soomaaliya, kaasi oo Ku aadan sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka uu qabo Madaxweyne Xaaf.

Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto dalabka kaga yimid xubnaha beesha caalamka, kaasi oo Ku aadan sidii wada hadal lala furi lahaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xaaf uu warqad cabasho ah u gudbiyay beesha caalamka, isagoo ka cabanaya in dowladda Soomaaliya ay fara gelin Ku hayso dhismaha maamulka Galmudug

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %