Beesha Caalamka oo dalab xasaasi ah u dirtay Madaxda ku shireysa Afisyooni * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beesha Caalamka oo dalab xasaasi ah u dirtay Madaxda ku shireysa Afisyooni

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada ugu baaqday inay heshiis ka gaaran doorashada dalka ka dhaceysa kahor Bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalmo kooban naga xigaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu boggaadiyay Shirka Madaxda Soomaalida ay ku yeesheen Teendhada Afisyooni oo mar kale Madaxda ay Maanta dib u bilaabi doonaan shirarkooda.

Beesha Caalamka ayaa ayaa ku boorrisay in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember..

“Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lasii raacsiiyay “Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto”

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kala ah: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.