Beeraleyda Labada Shabeelle Oo Raysul Wasaare C/weli U Gudbiyey Dhibka Ciidanku Ku Hayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beeraleyda Labada Shabeelle Oo Raysul Wasaare C/weli U Gudbiyey Dhibka Ciidanku Ku Hayo

Muqdisho – Mareeg.com: Waxaa Muqdisho kulan ku dhexmaray Raysul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed iyo wakiilo ka kala socday beeraleyda gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay beeralayda Soomaaliyeed si uu ugala hadlo caqabadaha haysta iyo kaalinta ay Dowladda Federaalku ku saacidi karto beeralayda sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen wax-soosaarka dalka, waxana Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay kulanka in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto wax-soosaarka dalka si dhaqaalaha dalku u soo kabto.

Kulankanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay beeralleyda waxaa ku wehelinayey wasiirka beeraha Cabdi Axmed Maxamed iyo ku-xigenkiisa Cismaan Libaax Ibraahim, waxaana laga arrinsanayey sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen in la qaado caqabadaha hor taagan kor-u-qaadista wax-soosaarka dalka.

Beeralayda Soomaaliyeed ee la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyey cabashooyin dhinaca ammaanka ah.

Mid ka mid ah beeralleyda ayaa u sheegay Raysul wasaaraha iney dhibaato weyn ku qabaan ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan labada Shabeelle, kuwaasoo isbaarooyin u dhigta gaadiidka raashinka iyo khudaarta ka keena labadaas gobol.

Ninkaan beeraleyda ah ayaa sheegay iney maraan wadooyin qardajeex ah ama deegaanno Alshabaab ka taliyaan si ay uga dhuuntaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo meelo badan uga qaadaya lacago baad ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo garawsanaya caqabadaha dhinaca ammaanka ah ballan qaaday in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto adkaynta ammaanka dalka, si dhamaan ujeedooyinka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed loo wada xaqiijiyo.

“Kulamada noocan oo kale ah ee ay isugu imanayaan dadka xirfadleyda ah waa muhiim, waxaan fursad u yeelanay inaan si toos ah u dhegeysanno dadkii beerayda ahaa oo sheegay caqabadaha haysta, anigu waxaan ka soo jeedaa qoys beeralay ah, waxanna wax ka bartay dugsigii sare ee beeraha ee Afgooye, iyadoo aan qarankana ugu soo shaqeeyey” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

“Waxaan garawsannahay caqabadaha ay waajahayaan beeralayda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin fatahaadda, abaaraha iyo lacagaha ay ka qaadaan dhinacyada ka baxsan xayndaabka dowladda, waaxaan si cad idiinku sheegayaa in arrimahan aan si dhab ah u qaadanayno oo wax laga qaban doono. Soo celinta dhoofinta iyo horumarinta wax-soosaarka beeruhu waxa ay ka mid yihiin qorshayaasha horumarka ee qaranka Soomaaliya, waxayna abuurmi doonanaan shaqooyin iyo fursado kale oo horumarineed.” Sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Wuxuu sheegay C/weli Sheekh Axmed in wax laga xumaado ay tahay in koox uu isagu u yaqaano nabad diid ay dadku u cararaan, kana cararaan ciidamada Soomaaliya, wuxuuna xusay in arrintaas wax laga qaban doono.

Wasiirka beeraha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Axmed Maxamed oo kulanka kelmad ka jeediyey ayaa sheegay in shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo noociisa ah ay ka soo bixi doonto hannaan ay ku wada shaqeeyaan dadka beeralayda ah iyo hay’adaha dowladda dhexe ee Federaalka ugu qaabislan beeraha.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More