Beeralayda Qaadka Kenya oo dibed baxyo xoogan dhigay? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beeralayda Qaadka Kenya oo dibed baxyo xoogan dhigay?

Banaan-baxyada ayaa waxaa laga baqdin qabaa iney isu bedelaan kuwo rabshado wata, iyadoo Booliska ay ku jiraan heegan buuxa.

 

Dibed-baxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay Qaadka ka imaanayay dalka Kenya ayaa ka dhacay degaanka Meru oo ah halka Qaadka ugu badan uu ka baxo ee dalka Kenya.

Dadka Mudaaharadaya ayaa gubay taayerada gaadiidka iyo waxyaabo kale oo ay dhigeen wadooyinka, iyagoo ku qaylinayay inay Soomaaliya qaaddo xayiraadda Qaadka.

Sidoo kale, dadka dibed baxaya ayaa ugu baaqaya dowlada Kenya iney ciidamadeeda kala soo baxdo wadanka Somalia.

Ganacsatada Qaadka ayaa sidoo kale ka cabanaya dhaqaala darra soo wajahday intii uu xannibnaa Qaadka, waxayna arintan ku eedeeyeen gudoomiyaha maamulka degaanka Meru Peter Munya.

Dowlada Soomaaliya ayaa saddex maalin ka hor si kmg ah u hakisay Qaadkii laga keenayey dalka Kenya, iyadoo ka careysan gudoomiyaha maamulka degaanka Meru Peter Munya oo ku dhaqaaqay talaabo lidi ku ah midnimada Somalia. Xigasho Allbanaadir.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!