Muqdisho, November 10, 2013: Dadaal nabadeed oo lagu xallinayo colaad dadka badan ku dhinteen ee ka taagaan deegaanada bariga Jowhar ayaa ka bilaambay magaalada Muqdisho.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe iyo maamulka gobolkaasi.
Kulanka maanta ayaaa looga wada hadlay sidii loo qaboojin lahaa colaad beeleedyo kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolkaas iyo saameynta shacabka uu shacabka ku yeeshay fatahaadda wabiga Shabeelle.
Gudooomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in mudo ku dhow labo bilood ay dadaal dheer ugu jireen sidii loo soo afjeri lahaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan degaano ka tirsan gobolka, balse ay haddana soo laba kacleeyeen.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa sheegay in ujeedka kulanka maanta uu ahaa sidoo loo qaboojin lahaa dagaal beeleed deegaano gobolka Shabeelaha Dhexe ka tirsan ku dhex maray beelo walaala ah oo halkaasi wada dega.
Wasiirka ayaa ku dhawaaqay shir dib u heshiisiin oo labadaasi beelood loo qaban doono kaasoo wejigiiisa koowaaad lagu qaban magaaalada Muqdisho halka wejigiisa labaadna uu ku qabsoomi doono gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleed dad badan ku dhinteen, islamarkaana lagu gubay tuulooyin farabadan.
Mareeg.com