Beegsiga saraakiisha Alshabaab oo weli socda & sarkaal cusub oo la duqeeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Beegsiga saraakiisha Alshabaab oo weli socda & sarkaal cusub oo la duqeeyey

Mareeg.com: Waxaa weli sii socda beegsiga lagu hayo saraakiisha Alshabaab, iyadoo shalay galb sarkaal sare oo ka tirsan ururkaas lagu duqeeyey gobolka Gedo.

Sheekh Aadan Garaar oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, ayaa la sheegay in lagu dilay duqaymo xagga cirka ah, oo ka dhacay inta u dhaxeyso degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor.

Gawaari uu la socday Sheekh Aadan Garaar, ayaa duqaymahan lagula eegtay deegaanka Abaa-huluul, oo qiyaastii 40km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in daryanka duqaymihii lagu dilay Garaar laga maqlay Abaa-huluul iyo deegaanada kale ee ka baxsan.

Sarkaalkan ayaa duqeynta lala beegsaday xilli uu ka soo amba baxay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kuna sii jeeday Baardheere.

Sarkaalkan ayaa ka mid ah Amniyaadka Al-Shabaab ee dhinaca Sirdoonka, waxaana gaariga la saarnaa labo sarkaal oo kale.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!