Baydhabo: Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Saddex Askari

Read Time:1 Minute, 23 Second

Baydhabo, Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Sosomaaliya qeybta gobollada Baay iyo Bakool ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 3 askari oo ka tirsan ciidmada dowladda Soomaaliya.

Sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya faraceed gobollada Bay iyo Bakool, Sheekh Xuseen Maxamed Mursal, saddexdan askari ayaa ahaaa ciidammo ka tirsn guutada 60-aad ee ciidamada xoogg dalka ee ka howlgasha gobollada Bay iyo Bakool.

Sheekh Xuseen Maxamed Mursal ayaa intaa ku daray in hubka iyo dharka ciidamada ay wateen askartaas ay si cad dambi ugu galeen, sidaas darteedna lagu xukumay dil toogasho ah.

“Maxkamaddu waxay ku heshay askartan inay hubkii ay dowladdu u dhiibtay iyo direyskii ay xirnaayeen ay ku dhibaateeyeen dad shacab ah, waxaana maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho ah,” ayuu ku yiri wareysi uu guddoomiyuhu siiyay warbaahinta.

Saddexda askari ee la xukumay ayaa waxay magacyadooda kala yihiin: Yuusuf Isaaq Nuur oo 23-jir ah, kaasoo lagu helay inuu dilay kaddibna ceel ku riday askari ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray, Mustaf Xaaji Xasan.

Jamaal Cali Maxamuud oo 21-jir ah, laguna helay inuu dilay askari ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray, Isaaq Xasan iyo Cali Aadan Isaaq oo 47-jir ah oo lagu helay inuu dilay guddoomiye ku xigeenkii xaafada Horseed ee Baydhabo oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Madoobe Aadan.

Sidoo kale, Sheekh Xuseen Mursal wuxuu sheegay in qof walba oo dhibaato u geysta shacabka ay maxkamaddu marsiin doonto waajibkiisa, isagoo aan sheegin xilliga askarta la xukumay lagu fulin doono dilka toogasho.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa todobaadyadii dame ka howl bilaabeysay qaar ka mid ah gobollada dalka, siday Baay iyo Hiiraan.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.