Baydhabo: Madoobe Noonow oo loo doortay Madaxweyne maamul aan aqoonsi heysan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baydhabo: Madoobe Noonow oo loo doortay Madaxweyne maamul aan aqoonsi heysan

Baydhabo – Mareeg.com: Shir muddo ka socday magaalada Baydhabo, islamarkaana lagu dhisay maamul ka kooban 6-da gobol oo kala ah: Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ayaa maanta lagu doortay madaxweyne, iyadoo maamulkaas aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada waxaa ku tartamay 6 musharrax, waxaana wareegii koowaad ku haray 3 musharrax, waxaana isu soo haray 3 musharrax oo kala ah C/fataax Maxamed Geesey, Maxamed Aadan Fargeeto iyo Madoobe Noonow Maxamed.

Intii uusan bilaaban wareegga labaad ee cod bixinta ayaa waxaa tanaasulay C/fataax Maxamed Geesey oo horay u ahaan jiray gudoomiyaha gobolka Baay.

Wareegii u dambeeyey waxaa ku tartamay Madoobe Noonow Maxamed iyo Maxamed Aadan Fargeeto, waxaana madaxweynaha maamulkaas aysan dowladda Federaalku aqoonsaneyn ku guuleystay Madoobe Noonow Maxamed.

Waxaa wax dooranayey ilaa 73 oday oo lagu sheegay iney yihiin Golaha Odayaasha gobollada maamulka loogu dhawaaqay, waxaa Madoobe Noonow u codeeyey 44 oday, halka Maxamed Aadan Fargeeto ay codeeyeen 23 oday, waxaana xumaaday 6 cod.

Madoobe Noonow ayaa ah siyaasi horay xildhibaan iyo wasiir uga soo noqday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madoobe-Nuunow

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta intii codeyntaasi socotay war kasoo saartay doorashada ku sheegtay iney gacan ka geysaneyso maamul loo sameeyo 3 gobol.

Qoraal kazoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa sidan:

“Hadaba, Wasaaraddu waxay halkan ku caddaynaysaa moowqifka siyaasadeed ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan qaabka loo marayo dhismaha Maamul-Goboleed ay yeeshaan goboladaas, iyadoo la tixgelinayo waaqiciga siyaasadeed ee haatan ka jira degaanadaas.

1. Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan siyaasiinta iyo cuqaasha Dhaqanka ee dalka in ay ku baraarugsanaadaan maamul u samaynta Goboladda, Degmooyinka iyo Maamul Goboleedyada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

2. Xukuumaddu waxay dhawraysaa heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa, Ethiopia ee lagu ogolaaday dhismaha Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.

3. Xukuumaddu waxay beegsanaysaa ku dhaqanka heshiiska Addis Ababa ee kor ku xusan. Sidoo kale, wixii tabasho ah ee ku saabsan heshiiskan Xukuumaddu waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geeysato.

4. Xukuumaddu waxay diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dhismaha Maamul Goboleedka sedexda gobol ee Goboladda Bay, Bakool iyo Shabeeladda Hoose.

5. Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas in ay ka fogaadaan wax walba oo halin kara xasilooni daro ku timaada degaankaas”.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!