Baydhabo: Howlgal baaritaan ah oo lagu dilay Macalin dugsi Quraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baydhabo: Howlgal baaritaan ah oo lagu dilay Macalin dugsi Quraan

Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo ayaa la sheegay iney dileen nin la sheegay inuu ahaa Macallin horay uga tirsanaan jiray Alshabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo baaritaan ku jira ayaa u dhacay halkii uu ku sugnaa Macallinkaas la oran jiray Macallin Butto, waxeyna ciidamadu sheegeen inuu cararay, islamarkaana ay haleeshay rasaas lagu riday.

Macallinka la dilay ayaa xilligii Alshabaab ka talinayeen Baydhabo mas’uul ka ahaa mid ka mid ah xaafadaha degmada, balse markii Alshabaab magaalada laga saaray ayuu isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ayaa horay u xiray sarkaalkan, inkastoo muddo kaddib lasoo daayay, kadib markii wax cad lagy waayey. Macallin Butto ayaa xilliyadii u dambeeyay ahaa mid ka mid ah macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee magaalada.

Mareg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.