Baydhabo: Dil toogasho ah oo lagu fuliyey nin ka tirsanaa Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Baydhabo: Dil toogasho ah oo lagu fuliyey nin ka tirsanaa Alshabaab

Mareeg.com: Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna lug lahaa weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Baydbab ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya bishii March 12, 2015.

Siraaji C/llaahi Cumar ayaa Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada ee faraca Baydhabo sheegtay inuu watay gaari qaraxyo lagu soo xiray, kaasoo la dhigay meel ku dhow Madaxtooyada Baydhabo.

Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen ninkan, kadib markii uu dhacay weerarkii Madaxtooyada, waxaana ay Maxkamadda ay dil ku xukuntay bishii April 14, 2015.

Dilka ayaa lagu fuliyey fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo, waxaana fulinta xukunkaasi noqonayaa kii ugu horreeyey ee maxkamadda ciidamada qeybteeda Baydhabo fuliso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!