Baydhabo, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay ayaa sheegaya iney halkaas ka jirot cabsi laga qabo in Alshabaab geystaan weeraro abaabulan oo la mid ah kuwii ay horay uga geysteen Muqdisho iyo Baledweyne.
Waxaa jira warar ay heleen laamaha amaanka oo sheegaya iney magaalada ay soo galeen xoogag taageersan Al-shabaab kuwaasoo doonaya inay qaraxyo iyo weeraro ka sameeyaan gudaha magaalada.
Dhallinyaro farabadan oo alaga qabqabtay magaalada Baydhabo, kuwaasoo ka mid ah dad laga shakiyey.
Dhallinyarada la qabqabtay ayaa u badan dhallinyarada ka shaqeysa garaashayda, kuwaasoo gaaraya ilaa 56-ruux kuwaasoo baaritaanno ku socdaan.
Taliyaha qaybta booliska gobalka Bay, Col. Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay iney ku dadaalayaan sugidda amaanka magaalada oo ay dib ugu soo laabanayaan qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.
Todobaadkii hore waxaa sidaan oo kale magaalada Baydhabo la xirxiray dhallinyaro u badan arday oo markii dambe intooda badan la sii daayey.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shir lagu dhisayo maamul ay yeeshaan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana amaanka xarrunta shirkaasi ka socdo la wareegay ciidamada AMISOM.
Mareeg.com