Baydhabo: Amisom Oo Ilaalineysa Xarrunta Shirka Maamul U Sameynta Koonfur Galbeed Soomaaliya

Baydhabo, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee jooga magaaladaas ay la wareegeen ammaanka xarunta uu ka soda shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah ergooyinka ka qeyb galaya shirka ee jooga Baydhabo ayaa arrintaas u xaqiijiyey warbaahinta.

Malaaq Cali ayaa sheegay in la wareegitaanka xarunta shirka ee ciidamada AMISOM ay ka dambaysay kulan ay magaalada Baydhabo dhowaan kula yeesheen ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohammed Saleh Annadif.

Shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka socda Xaruntii hore ee wakaaladda horumarinta beeraha ee ADC ee magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa weli gaaraya ergooyinka ka qeyb galaya shirkaasi oo muddo socday.

Waxgarad iyo Odayaal dhaqameedka ka qeyb galaya shirka ayaa sheegay in la soo gebo gabeeyay wejigii koowaad ee shirka, isla markaana dhawaan uu furmayo wajiga labaad ee shirka kaasoo lagu dhisayo maamul ay yeeshaan gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mareeg.com