Bashiir Goobe oo xubin ka noqday baarlamanka Soomaaliya

Taliyihii hore ee Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo dhawaan xilkaas laga qaaday ayaa maanta ka mid noqday baarlamaanka Somaaliya, isagoo badelay nin ay walaalo ahaayeen oo ka baxay baarlamaanka.

Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta xubinimada baarlamaanka Soomaaliga loogu dhaariyey kulan lagu soo gebagebeysnayey kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka.

Bashiir Goobe ayaa waxaa uu badelay nin walaalkiis ah oo la yiraahdo Qaasim Maxamed Jaamac oo hada iska casilay kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Bashiir Goobe ayaa ku biiray dowladda Soomaaliya xilligii ay jirtay dowladdiii C//laahi Yuusuf, isagoo taliye ku xigeen ka noqday booliska Soomaaliya.

Xilligaas wixii ka dambeyey wuxuu Bashiir Goobe la shaqeynayey dowladda Soomaaliya, isagoo noqday Taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya, hase ahaatee waxaa xilkaas laga qaaday dhawaan kadib markii ay soo laalaabteen weerarada Alshabaab ku qaadeen madaxtooyada iyo xarrunata baarlamaanka.

Mareeg Media

 

 

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245