Barre Hiiraale: Madaxweyne ma magacaabo madaxweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Barre Hiiraale: Madaxweyne ma magacaabo madaxweyne

Mareeg.com: Hogaamiye kooxeedka, Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ku sugan Muqdisho ayaa kasoo horjeestay in Hogaamiyaha maamulka Juba, Axmed Madoobe loogu yeero “Madaxweyne”.

Barre Hiiraale oo wareysi siiyey BBC ayaa ku gacanseyray go’aan uu dhawaan madaxweynaha Soomnaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kaga dhawaaqay, kaasoo ahaan in hogaamiyaha maamulka Juba, Axmed Madoobe hadda kadib loogu yeerayo “Madaxweynaha maamulka Jubaland”.

“Madaxweyne ma magacaabo madaxweyne, waana sharci darro in Axmed Madoobe lagu sheego madaxweyne, mana yeeli doono” ayuu yiri Barre Hiiraale.

Wuxuu madaxweyne Xasan ku eedeeyey inuu u janjeero dhanka Axmed Madooeb iyo maamulkiisa.

Khamiistii lasoo dhaafay, oo bishaan November ku beegneyd 18 ayaa madaxweyne Xasan oo booqasho gaaban ku tegay Kismaayo wuxuu ku dhawaaqay in haatan kadib Amxed Madoobe yahay madaxweyne Maamulka KMG ee Jubalanad.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More