Barakac ka bilowday xaafado ka tirsan Magaalada Marka

Read Time:50 Second

Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in saakay xaalada ay tahay degan, kadib markii maalmihii la soo dhaafay halkaasi ay ka dhaceen dagaalo xoogan.

Waxaa la sheegay in saakay gudaha marka laga dareemaayo barakac ay sameeynayaan qaar kamid dadka deegaanka,kuwaasi oo sheegay in ay ka cabsi qabaan in markale Ciidamada xoogga dalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ay ku kur dagaalamaan.

Sidoo kale Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamo milateri ah oo aad u badan,oo uu hoggaaminayo Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dhawaan xilka laga qaaday ee Jenaraal Cabdullaahi Cali Caanood,kuwaas oo la Wareegay Magaalada Marka,

Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ka dhacay Habeen ka hor dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidamada milateriga ah ee la wareegay marka iyo dagaalyahano ka tirsal Al Shabaab,waxaana dagalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinac yadii halkasi ku dagaalamay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %