Barakac ka bilaawday deegaano ka tirsan Jabuuti

Read Time:36 Second

Roob biyo dhigay dalka Jabuuti ayaa saameeyay isku-socodka, iyada oo wararka ka imanaya Jabuuti ay sheegayaan in dowladdu ay gacan ka gaystay taakulaynta dadka ku waxyeeloobay roobabkan.

Dadka ka barakacay deegaano ka tirsan Jabuuti oo ay saameeyeen roobabka ayaa.la soo sheegayaan inay xiligaan heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ayaa si deg deg ah waxaa uu ku baaqay in loogu gurmado dadka uu roobka saameeyey.

Dhinaca kalena, roobabka ka day’aya geeska afrika ayaa saameeyn ku yeeshay degmada Bareeda oo ku taalla cirifka Bari ee Puntland, Guddoomiyaha Degmada Bareeda Abshir Maxamed Muuse ayaa shegay in degmadu ay ka go’antahay dalka intiisa kale maadaama roobabku ay gooyeen jidkii tagayay degmadaasi.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %