Bangladesh oo daldashay hogaamiye sare oo Islami ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Bangladesh oo daldashay hogaamiye sare oo Islami ah

Mareeg.com: Dowlada Bangladesh ayaa daldashay hogaamiyihii Jamaacada Islaamiga ah ee dalkaas, Muhammad Kamaruzzaman, kaasoo sanadkii 2013 dil lagu xukumay.

Muhammad Kamaruzzaman ayaa dowladda Bangladesh ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal sanadkii 1971-kii, xilligaasoo uu socday dagaalkii Bangladesh uga goostay dalka Paskistan.

Kamaruzzaman ayaa kamid ahaan jiray, maleeshiyaad lagu magacaabi jiray Al Badr oo ka qeyb qaatay dagaalkii 1971, kuwaasoo la safnaa dalka Paskistan, kana soo horjeeday in Bangaldesh goosato.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey Kamaruzzaman inuu mas’uul ka ahaa dilka 120 beeraley reer Bangladesh ah, isagoo garab ka helayey ciidamadii dalka Pakistan.

Mr. Kamaruzzaman wuxuu beeniyey eedaynta lagu soo oogay wuxuuna racfaan ka qaatay xukunkaasi, balse Isniintii lasoo dhaafay ayey Maxkamada sare diiday inay dhageysato racfaankaasi.

Markii uu soo baxay warka sheegaya in dowladdu sabtidii toogatay hogaamiye Muhammad Kamaruzzaman ayaa waxaa si weyn uga carooday mucaaradka ka tirsan Jamaacada Islaamiga ah.

Waxey ku eedeeyeen dowladda Bangladesh iney sameysatay maxkamada dambiyo dagaal oo lagu bartilmaameedsado xubnaha Jamaacada Islaamiga ah ee dalkaas.

Maanta oo axad waxaa meelo ka mid ah dalka Bangladesh ka dhacay mudaaharaadyo looga soo horjeedo daldalaadda Muhammad Kamaruzzaman.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!