Bangiga Dhexe oo amray in la xiro dhammaan Xisaabaadka FOREX

Read Time:40 Second

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warqad uu ku amrayo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka in ay xiraan Xisaabaadka u furan Sharikadaha ka ganacsada Sarrifka Internetka ee loo yaqaan FOREX.

Qoraalka oo uu ku saxiixan tahay guddoomiye kuxigeenka Bangiga Dhexe Maryan Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu amray inay Shirkadaha gaarka loo leeyahay fuliyaan Amarkaas,sidoo kalen soo gudbiyaan Cadadka lacagaha ku jira Accounada FOREX.

Guddiga dhexe ee Maamula Bangiga ayaa lagu sheegay in uu 28kii October 2019 kulan ka yeeshay arrintaanb,isla markaana la go’aamiyey Go’aanka ah in Bangiyada gaarka loo leeyahay ay xiraan Accounada FOREX.

Amarkaan kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ka dhalatay ka Ganacsiga FOREX, iyada oo Culimada qaarkood ay isku khilaafeen sax ahaanshaha Ganacsiga FOREX.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %