Banaanbixii ugu weyn ee looga soo horjeedo Jubbaland oo ka dhacay Baardheere — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbixii ugu weyn ee looga soo horjeedo Jubbaland oo ka dhacay Baardheere

Waxaa maanta Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ka dhacay Banaanbax xoogan oo dhigayeen boqolaal shacab oo isaga kala yimid duleedka Magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow.

Banaanbaxayaasha oo isugu soo baxay Gudaha Baardheere ayaa waxa ay ku qeylinayeen Erayo ay uga soo horjeedaan Maamulka Jubbaland,iyagoo sheegay in ay aad u dhaliilsan yihiin siyaasada Madaxda Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay Gudaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku gubeen Taayaro,iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay ka mid yihiin Maamulka Jubbaland doonimeyno iyo Eryayo kale oo ka dhan ah Maamulka Jubaland.

Saddexdii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo ka dhacay banaanbaxyo rabshado  watay,kuwaasi oo looga soo horjeeday Jubbaland,waxaana hada socda abaabul ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,iyada oo ilaa iyo hada madaxda ugu sareysa Jubbaland ka hadlin banaanbaxyadaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!