Banaanbaxyo looga soo Horjeeda Garsoorka Dalka oo Dhawaan la Qaban doono

Read Time:3 Minute, 30 Second

“Waxaan soo Dhaweyneynaa Hadalka Gudoomiye Taabit ee ahaa in wax laga qabto Garsoorka”

2017 8-Febraayo markii la doortey Madaxweynha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Waxaa Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ka dhacay Banaanbaxyo lagu soo dhaweynayo Isbedelka ka dhacay dalka si Dowlada soo socota ay wax badan uga qabato Dhibaatooyin haysta Ummada Soomaaliyeed sida Amniga, Cadaalada , Dhaqaalaha iyo Adeegyada guud ee Bulshada .
Sidoo kale waxaa si weyn loo soo dhaweeyey Magacaabistii Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxayn labadooda Sheegeen in ay Wax badan ka qaban doonaan Dhibaatooyinka haysta bulshada , waxaa si la mid ah loo soo dhaweeyey Musuuliyiinta Golaha shacabka iyo Aqalka Sare, waxaana Laba Gole ku jira dad Nadiif oo aan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed wax Dambi h ka gelin

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlayey Garsoorka Dalka markii la doortey ka dib waxaa uu yiri “Mar dambe dhicimeyso , oo anaa ballan-qaaday, oo dowladda ayaa ballan qaaday, qof Soomaaliyeed intuu hortago maxkamad caddaalad darro lagu sameeyo, howshaasi waa waxyaabaha dalkani meesha uu taagan yahay gaar siiyay, oo ilaahey noogu carooday, oo aan adduunka uga hooseyno , Labo qof iyo saddex qof oo xun, ka yeeli meyno in magaceenna isticmaalaan umadda Soomaaliyeed duleeyaan oo dhibaato u geystaan oo xaq-darro ku sameeyaan u adkeysan meyno”.

“Waxaan idiin sheegeynaa hadii aan nahay Shacabkja Soomaaliyeed daneyn la’aanta iyo wax qabasho la’aanta maanta ka taagan Garsoorka dalka kaasoo dad badan ka niyad jabeen in ay Xaquuqdooda helaan waxaa garsoorka Maanta dadka jooga ay yihiin dad aan aqoon lahayn oo u taagan sidii ay ku urursan lahaayeen Dhaqaale, waxaa Xaqiiqo ah in garsoorka maaqnta ku dulaman Dad fara badan , waxaana loo adeegaa keliya dadka haystaa Dhaqaalaha ” sida waxaa yiri mid ka mid dadka weli ka cabanaya garsoorka Dalka gaar ahaan Maxkamada Gobolka Banaadir oo u soo jeediyey Madaxda qaranka in ay faragelin ku sameeyaan Hayadaha Garsoorka

.”Hadii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed ee rajada ka qabey Dowlada uu hogaamiyo Maxamed cabdulaahi Farmaajo in maanta uu naga sii dhamaanayo Dulqaadkii waxaaan Rumeysanahay in Dowlada Maanta wax badan ka qaban karto Garsoorka la’aantiisa aysan suurtagal hayn in wax laga qabto Xasiloonida Dalka “ayuu yiri Xasan Muuse oo ah dhibane aan weli helin xaquuqdiisii ka dib markii uu waayey Garsoor cadaalada wuxuuna u soo jeediyey Madaxda Qaranka in Cadaalada ay tahay tiirarka ugu Muhiimsan ee Dowladanimada

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo diidey in Magaciisa Saxaafadda loo adeegsato ayaa isagoo ka hadlayey Xabsiyada Dalka ayaa waxa uu yiri “ Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho waxaa ku xiran dad kor u dhaafaya Kun oo qaarkood muddo dheer halkaas ku jirey, iyagoo Wax Maxkamad ah la soo taagin, waxaa ku jira caruur aad u da’yar oo uu dastuurka uu dhigaya in aan Xabsi lagu hayn Karin, qaar ka mid Maxaabiisrtaas Xabsiga ay ku jireen kuqaadey Xanuuno kala duwan , kuwa kale halkaa bay ku geeriyoodeen ka dib markii ay la kulmeen daryeel la’aan. kuwa kalena si sharcidaro ayey ugu Xiran yihiin ” wuxuuna u soo jeediyey Madaxda Qaranka in ay Booqdaa01n Xabsiga si ayu u ogadaan Xaalada Dhabta ah ee ka jirta Xabsiga
halkaan ka Akhriso Magacyada Maxaabiista (1)
Waxaan soo dhaweyneynaa hadii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed Hadaladii dhawaan ka soo yeerey Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalalda Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ka dib markii uu ugu baaqey Madaxda Dowlada in wax ka qabtaan Garsoorka Dalka oo maanta maraya meel aad u lidata sidoo kale waxay soo dhaweeyeen hadalka uu dhawaan sheegey Gudoomiyihii Hore Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan haatana ah Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo isagoo Cid dheer ku yiri “Madaxda qaranka waxaa bulshada Soomaaliyeed deeqa garsoork Cadaalad ah sidoo kale wuxuu u soo jeediyey in isbedel lagu sameeyo Hayadaha Adeega Garsoorka

Ugu Dambeyn Dad fara badan oo ku nool Dalka gudihiisa iyo Dibadiisa ayaa waxay wadaan Qorshe ay ku qabanayaan Banaanbax Cabasho oo looga soo horjeedo Gabood Falada iyo Xadgudubyada Garsoorka waxay sheegeen in Banaanbaxyadaas ay sii wadayaan inta Isbedel lagu sameynaya Xaaladda Garsoorka Soomaaliya sidoo kale waxay u soo jeediyeen Madaxda Qaranka in Hadladooda aysan noqon Qowda maqashii waxna ha u qaban  Riix hoos

Halkaan ka Akhriso Liiska Magacyada Maxaabiista Xabsiga Dhexe halkaan ka Akhriso Magacyada Maxaabiista (1)halkaan ka Akhriso Magacyada Maxaabiista (1)

Sh Cumar Xasan Gurey
E-Mail gure114@gmail.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %