Banaanbaxyo lagu taageerayo Heshiiskii Beelaha Baladweyne oo ka dhacay Magaaladaasi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbaxyo lagu taageerayo Heshiiskii Beelaha Baladweyne oo ka dhacay Magaaladaasi

Baladweyne ( Mareeg)-Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu qabtay dibadbax lagu taageerayo heshiiskii ay wada gaareen Beelo dhawaan ku dagaalamay Magaaladaasi.

 

Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne Macallin Qalaafow oo u warramay Wariyaheenna Cismaan Aadan Careys ayaa sheegay in dibadbaxa ay iyagu soo qaban qaabiyeen.

 

Macallin Qalaafow ayaa intaas ku daray in dibadbax ay u sameeyeen kadib markii ay soo gaareen warar hoose ee la xiriira in Xiisaddu ay mar kale soo noqoto.

 

Beelaha kaalinta ka geystay xallinta beelahaasi walaalaha ah ayaa soo wada maray tuulooyinka ay wada degaan iyagoo ku bogaadiyay  heshiiska ay wada gaareen iyo fulintiisa.

 

Heshiiska Beelaha ku dagaalamay Gobolka Hiiraan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa qeybaha kale ee Bulshada Magaaladaasi gaar ahaan mid ka mid ah Beelaha dega Magaaladaasi.

 

Waxgaradka deegaanadaasi ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan wax door ah ku lahayn dhex dhexaadinta beelahaasi walaalaha ah laga dhex sameeyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!