Banaanbax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho + Sawirro

Fagaaraha Taalada Daljirka ee dagmada Boondheere ayay iskugu soo baxeen Boqolaal u badnaa dhalinyarada ku shaqeysta Gaadiidka mootada Bajaajla waxa ayna ka careysnaayeen istcimaalka waddooyin hor leh oo loo diiday waxa iyaga oo ku dhawaaqayay in ay yihiin dhalinyarada dalka dib ugu soolaabtay qaar kood ee ka Shaqesta.

Barxada taalada ayey iskugu keeneen Mootooyinkooda si ay u muujiyaan dareenkooda oo maanta ahaa mid aad u kacsan waxana ay sheegeen in ay doonayaan in dib loogu furo wadooyinkii laga mamnuucay si ay ugu shaqeystaan

Gudoomiye xigeenka Gobolka Banaadir  aminga iyo Siyaada Saalax Sh.Maxamed ayaa dibad baxayaasha ugu yimid fagaaraha uu ka socday dibad baxa waxa uuna u sheegay in ay ka xun yihiin wixii dhacay xarunta Gobolka Banaadir ay  u wadi doonaan 5 ka mid ah mootaaleyda wada hadalna lagu dhameyn doono arintooda.

Mootada bajaajka waa gaadiid aad looga isticmaalo Magaalada Muqdisho waxana ku nacfiye oo ku shaqeysta kumanaan dhalinyaro kuwaas oo qaar kood dalka dib ugu soo laabtay waxana bajaajka hada ay ku tiirsan tahay nolosha qoysas badan oo biisha dhaqaalaha laga helo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!