Banaanbax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Cadaado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Cadaado

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Cadaado oo ay qeyb ka yihiin Mas’uuliyiinta maamulka Magaaladaas ayaa Maanta waxa ay halkaasi ka dhigeen dibadbax lagu tageerayay Go’aankii uu qaatay Madaxweyne Xaaf.

Banaanbaxayaasha oo watay boorar uu ku sawiran yahay Madaxweyne Xaaf ayaa waxa ay sheegayeen in ay aad u taagersan yihiin Go’aankii uu qaatay oo ahaa tageerida xulufada Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowlada Qadar.

Dhanka kale Gudoomiyaha Magaalada Cadaado Cabdulaahi Cabdiraxmaan too’toole oo banaanbxayaasha la hadlayay ayaa sheegay in dibadbaxaan uu yahay mid Nabadeed kaas oo ay ku taageeraayan Go’aanki uu qaatay Madaxweynahooda Axmed Geelle Ducaale Xaaf.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.