Banaanbax Xoogan Oo Goordhow Ka Bilaaban Doono Muqdisho

Read Time:27 Second

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta ku dhawaaqay Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Banaanbaxan uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxa uu ka dhici doonaa galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium.

Dadka dhigaya Banaanbaxa ayaa waxa ay socod ku mari doonaan Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.