Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay degmada Gura-ceel * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay degmada Gura-ceel

Warar goor dhaw naga soo gaaray Degmada Guriceel ee Gobolka G/gaduud ayaa waxay sheegayaan in Halkaasi uu ka socdo Banaanbax Rabshad wata oo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan Degmadaasi.

Iskusoo baxani ayaa looga soo horjeedaa in ciidanka Ahlusuna laga saaro degmadaasi waxaana dadka banaanbaxa dhigaya ay gubayaan Taayaro mararka qaarna waxay tuurayaan dhagaxaan ay la bartilmaameedsanayaan goobaha ganacsiga.

Waxaana banaanbaxa sida dad goog jogayaal ah inuu xaqjiyeen ku dhintay Labo ruux oo dadkii banaanbaxa dhigayay ka mid ah halka tirade intaasi ka badana ku dhaawacmeen banaanbaxa rabshadaha wata.

Xaalada ayaa ah mid kacsan,waxaana wali la dareemayaa saameynta banaabaxa uu ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsi ee degmada Gura-ceel,waxaana wali hakad ku jira ganacsiga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!