Banaanbax looga soo horjeedo Jubbaland oo ka socda Degmada Dhoobley — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbax looga soo horjeedo Jubbaland oo ka socda Degmada Dhoobley

Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu ka socdo banaanba xoogan oo dhigayaan boqolaal shacab.

Banaanbaxan oo dhigayaan boqolaalka shacabka ah ayaa isugu soo baxay gudaha degmada dhoobley waxa ayna ka soo horjeedaan maamulka Jubbaland.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waxa ku qeylinayaan Erayo ka dhan ah maamulka Jubbaland,Erayadaasi oo ay ugu soo horjeedaan hab siyaasadeedka uu ku shaqeeyo Jubbaland.

Waxaa shalay banaanbax xoogan oo isna looga soo horjeedo maamulka Axmed Madoobe uu hogaamiyaha ka yahay uu ka dhacay Magaalada garbahaarey,kaasi oo ay dhigeen dadweyne badan oo isugu soo baxay gudaha Magaalada garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!