Banaanbax lagu taageerayay dhismaha maamulka gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ka dhacay Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbax lagu taageerayay dhismaha maamulka gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ka dhacay Jowhar

Banaanbax lagu taageerayay dhismaha maamul u sameynta labada gobo lee Shabelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Jowhar iyadoo ay banaanbaxan ay ka hadleen mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sh/Dhaxe oo ka hadlay isu soo baxa ayaa sheegay in ay taageerayaan saxiixa heshiiskii ka dhacay magaalada muqdisho oo lagu heshiiyay in la isku daro labada gobol ayna ku qanacsanyihiin guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe saxiixa uu u saxiixay guud ahaan gobolka.

Mas’uuliyiinta ka soo qeybgashay banaanbaxan ayaa waxaa ka mid ahaa Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur Burus oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Maryan Muxumed Kuuloow oo ah guddoomiye kuxigeenka ururka haweenka gobolka waxayna sheegeen in iyagoo ka wakiil ah gabdhaha gobolkaasi in ay taageerayaan shirka maamul u sameynta labada gobol.

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir C/lle Muxumed Buurfuule oo ka hadlay banaanbaxa lagu taageerayay heshiishkii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isagoo ka wakiil ah shacabka degmada Jowhar ay ku qanacsanyihiin in ay wax isku darsadaan gobolka Sh\dhexe. iyo gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Dhexe dhanka arimaha bulshada Mudane Muxumed Sugaal Cismaan oo ka hadlay banaanbaxan ayaasheegay in shacabka gobolka shabeellaha dhexe ay yihiin dad gacmaha is heysta ayna ku kalsoonyihiin maamulkooda.

“Ahmiyada labada maamul waxaa laga garan karaa wasiirada saxiixay iyo madaxda ugu sareysa dalka oo ka qeybgalay xafladii lagu qabtay madaxtoyada ee lagu saxiixay dhismaha maamulka labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe.

Shalay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu saxiixay heshiis ah maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan iyadoo qorshuhu yahay in maamul ay ku mideysan yihiin labada gobol lagu dhiso saddexda bilood ee soo socota.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!