Banaanbax lagaga soo horjeedo sara u kaca doolarka oo ka dhacay Beledweyn * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbax lagaga soo horjeedo sara u kaca doolarka oo ka dhacay Beledweyn

Banaanbax aad u balaaran oo hakad geliyey Ganacsiga iyo isku socodka Magaalada Balaweyne ayaa maanta ka dhacay Magaaladaas, kaas oo lagaga soo horjeeday sara u kaca ku yimi qiimaha Sarifka Doolarka iyo Maciishada oo si aada kor ugu kacay maalmihii u danbeeyey.

Dadkan banaan-baxaayey oo socod ku maray wadooyinka Magaalaaas ayaa sheegay inay sicir bararkan sababtay lacago been abuur ah oo maalmihii danbaba lagu soo daabulaayey Magaalada, waxayna ugu baaqeen Dawlada Soomaaliya iyo Maamul Gobalku inay xakameeyaan Doolarka iyo Maciishada kor usii socota.

Ganacsatada Gobalka Hiiraan ayaa gabi ahaanba joojiyey inay wax ku iibsadaan Lacagta Shilling Soomaaliga, Iyadoo suuqyada Baladweyne iminka wax lagaga iibsan karo oo kaliya Lacagta Doolarka, taas oo kor usii qaaday wel-welka ku aadan sicir bararka sii baahaya.

Tabashada sicir bararka ayaa si lamid ah tan Baledweyne Maalmihii danbaba ka taagnayd degaanada Puntland walow labadii maalmood ee u danbaysay la dareemaayey inuu hoos u socdo sarifka Doolarku degaanada Puntland, waxaana arinkan si aada usoo dhaweeyey Guud ahaan Bulshada reer Puntland.

Dad badan ayaa aaminsan in lacago been abuur ah lagu sameeyo Gobalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayna horseed u yihiin sicir bararka iminka ka aloosan degaano ay Baladweyne kamid tahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!