Banaanbax ka dhan ah Kenya oo lagu qabtay Garbahaareey

Read Time:31 Second

Banaanbax ballaaran oo looga horjeedo Ciidamada Dowladda Kenya ayaa maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Boqolaal ruux oo ka qeyb galay dibadbaxan ayaa ku qeliyay erayo ka dhan ah Ciidamada Dowladda Kenya, waxaana lagu muujinayay sida ay uga xun yihiin dhibaatada Ciidamada Kenya ay ka wadaan magaalada Beled-Xaawo.

Cismaan Nuux Xaaji guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in banaanbaxa uu ahaa shacabka ay ku muujinayeen shaxuurtooda.

Waxaa uu qeexay in dad shacb ah oo lagu xiray magaalada Beled-Xaawo, isagoona tilmaamay in aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka Ciidamada Kenya ay ka wadaan Gobolka Gedo.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %