Mareeg Media
Somalia

Banaanbax ka dhacay Buulo Burde & Odayaal la xiray

Maanta waxaa degmada buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle kaas oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka ku nool degmadaas.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay isugu soo baxeen wadooyinka degmadaas,iyaga oo banaanbaxooda uga soo horjeeda safar la sheegay in uu degmdaasi ku tegayo Wasiirka Arrimaha gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle.

Wararka laga helayo Buulo Burde ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale dadka ay kasoo horjeedaan Maamulka Cusub ee degmadaasi ay u magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha Hir-Shabeelle, iyaga oo dhagxaan iyo birar ku jaray qaar kamid ah wadooyinka Buulo Burde.

Dhinaca kale Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee  ku sugan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmadaas,kuwaas oo kasoo horjeestay Maamulka Hir-Shabeelle.

Odayaasha la xiray oo gaaraya ilaa Saddex ayaa kasoo horjeestay Maamulka Cusub ee degmada Buulo Burde ay dhawaan u soo Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle,kaas oo uu khilaaf ka taagan yahay.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo kamid ah waxgaradka degmada Buulo Burde ayaa sheegay Madaxda Hir-Shabeelle  ay u sheegeen inaysan aqbaleyn Maamul ay si awood ah ku keenaan Madaxda Hir-Shabeelle.

Sidoo kale  waxaa uu sheegay in Madaxda Hir-Shabeelle ay Odayaasha Dhaqanka ku dalbadeen Ciidamada AMISOM,isla markaana ay xireen Ciidamada Jabuuti  Odayaal uu isaga ka mid yahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!