Banaanbax balaaran oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaanbax balaaran oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw Fagaaraha Dal Jirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho lagu qabtay banaanbax balaaran oo lagu taageerayay Wareegtadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilka uga qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Sare Caydiid Ilko-Xanaf.

Banaanbaxa ayaa sidoo kale lagu taageerayay Howlgalada ay Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan qeybo kamid ah dalka gaar ahaan howlgalka kasocda Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Waxaa kasoo qeyb galay Banaanbaxa boqolaal Dadweyne ah oo ka kala yimid Degmooyinka gobolka Banaadir, waxa ayna dadkan wateen boorar lagu taageerayay Wareegtadii Madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba astaanta calanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo katirsan Gobolka ayaa kasoo qeyb galay banaanbaxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana hadaladii laga jeediyay inta banaanbaxa socday lagu taageerayay howlgalka Sh/Dhaxe iyo Wareegtadii Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan isbadalka lagu sameeyay Maxkamada sare ee dalka sidoo kale ay taageerayaan howlgalka ay ciidamada Huwanta ah kawadaan Sh/Dhaxe.

Banaanbaxa Magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u wanagasan, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka halka uu ka dhacayay bananabaxa .jirka_2jirka_3jirka_4jirka_5jirka_8

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!