Banaadir: Labo gudoomiye degmo oo xilka laga qaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaadir: Labo gudoomiye degmo oo xilka laga qaaday

Mareeg.com: Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Cusmaan (Odawaa) ayaa xilka looga qaaday gudoomiyeyaashii degmooyinka Hodon iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay labo gudoomiye cusub oo la wareegaya maamulka degmooyinkaas oo midi dumar tahay.

Sida ay sheegayaan wararka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo jeediyay xil ka qaadista Gudoomiyeyaashan, iyo magacaabista labada Gudoomiye cusub.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilalka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Hodan, C/qaadir Cali Kulane, waxaana lagu bedelay Marwo Xaawo Kiin Maxamuud Cali oo horay u aheyd wariye, iyo xubin ka tirsan bulshada rayidka ah.

Sidoo kale Gudoomiyihii degmada Dharkeenley, Aadan Maxamed Cumar ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu bedelay Cumar Meyre Mocow oo horay u ahaan jiray gudoomiye ku xigeenka degmadaas.

Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley Xaawo Kiin Maxamuud Cali iyo Cumar Meyre Mocow

Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley Xaawo Kiin Maxamuud Cali iyo Cumar Meyre Mocow.

Xilka qaadistan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee lagu sameeyo Gudoomiyeyaal degmo, tan iyo markii sanadkii hore is bedelkii ugu ballaarnaa lagu sameeyay Gudoomiyeyaashii degmooyinka ee mudada xilka hayay.

Gudoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ee Hodan iyo Dharkeenley C/qaadir Cali Kulane iyo Aadan Maxamed Cumar

Gudoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ee Hodan iyo Dharkeenley C/qaadir Cali Kulane iyo Aadan Maxamed Cumar

wareegtadawareegtada1

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!