Banaabaxyo Maanta ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Banaabaxyo Maanta ka dhacay Muqdisho

Magaalada muqdisho Xafado katirsan waxaa Maanta ka dhacay banaanabx ay dhigayeen Darawalada kaxeysa Gaadiidka Dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaan Bl-ka ee ka Shaqeeya Magalada Muqdisho,banaanbaxaas oo ay uga cabanayeen arrio dhowr ah.

Darawalada banaan baxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen in maamula Gobolka Baaadir uu ku kordhiyey lacagaha laga qaado,iyaga oo horay dhibaato ugu qabay xirnaanshaha wadooyinka xiran.

Waxaa ay sheegeen in xilligaan aysan awoodin lacagahaas inay bixiyaan balse ay mar walba jecel yihiin bixinta Canshuurta, iyaga oo baaq u diray Madaxda Sare ee Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Banaanbaxyadaan ayaa waxaa ay  sigaar ah uga dhaceyn Isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq ee degada Yaaqshiid,waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Goobaha ay banaanbaxa ka dhaceen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen lacagta lagu soo rogay oo ah 2 doollar taas oo markii hore laga qaadi jiray balse laga joojiyay markii wadooyinka la xeray balse hadda, iyada oo aan lafurin wadooyinka dib loogu soo celiyay.

Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Maamuka Goboka Banaadir weli kama hadlin cabashada kasoo yeeray darawalada Gadiidka ee muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!