
Read Time:34 Second
Mareeg.com: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa taleefoon kula hadlay RW cusub ee Soomaaliya, Cumar Cabdirishiid isaga oo ugu hambalyeeyey xilka ee loo magacaabay.
Ban Ki-moon ayaa RW Cumar kala hadlay in madaxda Soomaalida ay si dhow u wada shaqeeyaan, islamarkaasina la dardar galiyo dhameystirka dhismaha maamul goboleedyada.
Waxa kale oo uu kala hadlay qabyo tirista dastuurka oo ay hawshiisa socoto.
Ban Ki Moon ayaa RW u xaqiijiyey in Qaramada Midoobey ay taageeri doonto, islamarkaasina garab istaagi doonto xukuumadiisa.
Waa xiriirkii ugu horeeyey oo heerkani ah oo RW Cumar C/rashiid ka helo madaxda adduunka tan iyo intii todobaadyo ka hor xilkani loo magacaabay, baarlamaanku meelmariyey.
Mareeg Media