New York, Mareeg.com: Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka in la labo jibbaaro ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Koonfur Sudan, kadib markii lasoo sheegay inuu ka dhacay xasuuq xaga isirka ah.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa soo jeediyey Soujt Sudan loo diro ciidamo ay tiradoodu gaarayso 5,500 oo askari, si ay u ilaaliyaan nabad-gelyada dadka rayidka ah.
Ban Ki-moon ayaa diginiin u diray dhinacyada ku dagaallaya dalka Koonfruta Sudan, isagoo xusay iney la kulmi karaan dacwado ka dhan ah dabmiyada dagaalka.
Wuxuu sheegay Ban Ki-moom in caalaamku daawanayo Koonfurta Sudan, islamarkaana lala xisaabtami doono ciddii gasha dambiyo dagaal.
Dalka Koofur Sudan ayaa waxaa ka soconaya dagaallo u dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo Salva Kiir iyo mucaaradka uu horkayo madaxweyne ku xigeenkii hore Rieck Macher, waxaana ku dhintay dad tiradoodu ka badan tahay 500 oo qof, kuwaas oo ay ku jiraan muwaaddiniin Soomaaliyeed.
Dagaalka oo markii hore ku bilowday gedood ciidamo iyo siyaasiyiin sameeyeeyn ayaa isu badelay dagaa u dhaxeeya beelaha Nuer iyo Dinka oo ay kazoo kala jeedaa madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Rieck Macher.
Waddammada ku bahoobay urur-goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii ay u xallin lahaayeen mushkiladda ka curatay dalka Koofur Sudan.
Mareeg.com