New York, Mareeg.com: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa u magacaabay ninka u dhashay dalka Switzerland ee Philippe Lazzarini inuu noqdo ku xigeenka wakiilkiisa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo isku duwaha arimaha bini’aadanimada Soomaaliya, xilkaas oo uu horay u hayey.
Mr. Lazzarini ayaa noqon doona ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Somalia Nicholas Kay, kaasi oo madax u ah xafiiska UNSOM.
War qoraal ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Mr. Lazzarini uu ku xigeen u noqon doono Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain, waxaana Philippe Lazzarini horay u ahaa madaxa arimaha aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la hergeliyay bishii May ee sanadkan 2013 , kaasi oo la sheegay in loogu talo galay in lagu caawiyo dowlada Federaalka Soomaaliya.
Mr. Lazzarini, ayaa ahaa madaxa iyo isku duwaha arimaha aadanimada ee Soomaaliya iyo waskiilka UNDP ee Soomaaliya tan iyo sanadkii March ee sanadkaan maanta ku e gee 2013.
Sidoo kale Lazzarini, ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin hayada ICRC ee koofurta Sudan, Beirut, Amman Gaza Bosnia, Angola iyo Rwanda.
Philippe Lazzarini ayaa dhawaan booqday meel ka mid ah dalka Soomaaliya sida Kismaayo iyo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo fatahaad go’doon ka dhigtay, wuxuuna indhihiisa ku arkay dhib halkaas yaallay, isagoo raacay doonyo dadka deegaanku u adeegsanayeen iney uga gudbaan biyaha.
Mareeg.com