Ban Ki-moon oo ku xigeen cusub u magacaabay Nickolas Kay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ban Ki-moon oo ku xigeen cusub u magacaabay Nickolas Kay

Mareeg.com: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa u magaacabay Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe ku xigeenka wakiilka gaarka ee Qaramaa Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Raisedon Zenenga ayaa ku xigeen u noqon doona danjire Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Zenenga ayaa badalaya Fatiha Serour oo u dhalatay dalka Algeria, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in looga mahad celinayo dadaalkii ay sameysay oo ku saleysnaa Siyaasada, xuquuqda aadanaha, sharciga amaanka.

Mr Zenenga ayaa ahaa ku xigeenka ergayga gaarka dhanka siyaasada howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Koofurta Sudan “UNMISS” ka hor inta uusan biirin howlgalkana wuxuu ahaa agaasime sare oo ka tirsan xarunta QM ee New York muddo 10 sano ah.

Wuxuu kasoo qeyb galay howlgalo badan oo Qaramada Midoobay ay ka wado wadamo badan oo ku yaala qaarada Africa.

Wuxuu wax ka bartay jaamada Zimbabwe, wuxuuna ka qalin jibiyay kuluyada maamulka dadweynaha “Public Administration” iyo Political Science wuxuu sidoo kale ahaa diblumaasi ka shaqeynayay mashruuca horumarinta ee dowlada Australia.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!