Ban Ki-moon: Dagaalka Yemen, Alshabaab ayuu fursad u noqon karaa

Read Time:1 Minute, 11 Second

Mareeg.com: Xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ka digay in dagaallada ka socda Yemen ay  waddo u furaan kooxo jihaadoon ah oo gaara Soomaaliya oo Yemen xuduud kala leh dhanka badda gacanka Cadan.

Wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab ay wali dhibaatooyin ka geysato gudaha Soomaaliya iyo waddamada dariska ah, isagoo xusay in dagaallada ka socda Yemen uu sii kordhin karo dhibaatooyinka ay geysaneyso Al-Shabaab.

Ban Ki-moon ayaa warbixin cusub oo uu saaray ku sheegay in wali Qarammada Midoobay ay si aad ah u quseyso degenaashaha Soomaaliya iyo xal u helidda dhibaatada ka taagan dalka yemen.

Wuxuu tilmaamay in Qarammada Midoobay iyo beesha caalamka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinaca kale wuxuu ka codsaday deeq bixiyeyaasha caalamka 863 Milyan oo dollar, si wax loogu qabto 2.8 Milyan oo qof oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Wuxuu walwal ka muujiyay saamaynta xayiraadaha shirkadaha xawilaadaha oo lacag u diri jiray ilaa 40% dadwaynaha Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay in ay la yimaadaan habab kale oo lacagaha dibedda lagu diri karo inta laga abuurayo Bank rasmi ah oo ka howlgala Soomaaliya.

Dalka Yemen oo horay loo rumeysnaa in hub ka yimaadda uu soo geli jiray Soomaaliya, ayaa haatan burburtay, waxaana ka socda dagaallo u dhaxeeya kooxo kala duwan oo Yemeniyiin ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.