New York: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in Alshabaab badeleen qaabkii dagaalka fool ka foolka ahaa, islamarkaana bilaabeen iney isku qarxiyaan goobaha muhiimka ah.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo hadal qoraal ah ka hor jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ayaa si weyn uga hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Shabaab iyo burcad badeeda.
Ban Ki Moon ku boorriyay dowladaha caalamka iney sii laba laabaan taageerada la siinayo dowlada Federaalka Soomaaliya oo dagaallo kula jirta Alshabaab.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadalkiisa sii wataa ayaa intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay heshay xog muujineysa in Alshabaab ay xeelado kale u bedesheen dagaaladii fool ka foolka ahaa, taasi bedelkeedana ay isku dayayaan iney beegsadaan xarumaha dowlada iyo kuwa Qaramada Midoobay.
Ban Ki Moon ayaa ka hadlay weerarkii is qarxinta ahaa ee Alshabaab ku qaadeen magaalada Baledweyne, wuxuuna sheegay in weerara nuucaas ah looga hortegi karo iskaashi ay sameeyaan ciidamada amaanka Soomaaliya iyo Amisom.
“Ku dhawaad 17 ruux ayaa ku geeriyootay weerar ka dhacay magaalada Beledweyn, khataraha noocan ahna waxaa looga hortagi karaa iskaashiga ciidamada amaanka dowlada iyo kuwa AMISOM’’ ayuu yiri Mr. Ban Ki Moon.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay weeraro la mid ah kuwii ka dhacay magaalada Nairobi oo Alshabaab ka fuliyaan Soomaaliya, waxa uuna intaa ku daray iney muhiim tahay taxadar laga muujiyo amaanka.
Ugu dambeyntii, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ka codsaday beesha caalamka in taageero dheeraad ah la siiyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya si looga fogaado khatarta Alshabaab iyo Alqaa’ida.
Mareeg.com