New York: Xoghaya guud ee Qramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa ku dhawaaqay in haatan loo baahan yahay ilaa 4,500 oo askari oo dheeraad ah oo ku biira 18,000 ee horeba halkaasi u joogey oo ka tirsan Amisom.
Xoghaya guud waxa uu ku doodayaa in ciidamadani dheeriga ah looga baahan yahay in la sii xoojiyo guulihii ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM ee Soomaaliya ay hore uga gaareen la dagaallanka Al-shabaab, si aanay ugu suurtogelin in Al-shabaab ay dib u soo kaaban karaan oo ay u soo noqon karaan.
Ban Ki-Moon ayaa sheegay in la doonayo in la wiiqo guud ahaan awodda Al-Shabaab oo aanay u suurtogeli karin inay mar kale geystaan xataa weerarro kale oo la mid ah kii magaalada Nairobi ee Westgate oo kale.
Baaqani imika ee qaramada midoobay waxa uu la mid yahay ku-dhawaaqis dagaal ku waajahan Al-Shabaab, oo caalamka iyo Afrika gudaheedaba looga arko ururka ugu khatarsan ururrada xagjirka ah ee islamiyiinta ah.
Xogahaya guud ee QM waxa uu ku baaqayaa haddii aan la helin kharashyo dheeraad ah oo lagu sii baritaageero ciidamada nabadilaalinta Amisom ee UN maalgeliso, in taasi ay keeni karto khatar ah in Al-Shabaab ay dib madaxa ula soo kacdo, ayna geysan karaan weerarro kale dalka gudihiisa iyo debaddaba.
Mareeg.com