Bambaanada gacanta oo Ciidamada Dowldda lagula eegtay Degmada Afgooye

Read Time:1 Minute, 4 Second

Afgooye (Mareeg)—Qaraxan oo ahaa bambaanada nuuca gacanta laga tuuro ayaa Kooxo hubeysan waxey ku weerareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa Qarax xoogan, waxaana ay intaasi ku dareen in uu jiro dhaawac 6 Ruux.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose, Mahdi Axmed Xasan ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Qaraxaasi lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in labo Askari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Kooxihii ka dambeeyay Weerarkaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay howlgallo kala duwan, inkastoo aan weli la soo sheegin hadii ay jiraan Dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi.

Qaraxan ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaan Weeraro inta badan ay sheegtaan Xarakada Al Shabaab oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagula eegto qeybo ka mid ah Gobolka Sh.Hoose ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Degmada Afgooye oo 30Km qiyaaas ahaan dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.