Bam Gacmeed lagu tuuray Qoys somali ah iyo wiil yar oo saqiiray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Bam Gacmeed lagu tuuray Qoys somali ah iyo wiil yar oo saqiiray

Gothenburg  Qoys  asal ahaan ka soo jeeday Soomaaliya oo degan dalka Sweden ayaa la soo waramayaa  in lagu weeraray Qarax Bambaano Gacmeed ah.

weerarku wuxuu  ka dhacay Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden iyadoona  uu ku dhintay  Wiil yar  laguna magacaabi jiray Yuusuf Warsame, waxaana la xaqiijiyey in wiilkan iyo qoyskiisa ay fasax ku joogeen Magaalada Gothenburg, iyagoo ka yimid cariga  Ingiriiska gaar ahaan Magaalada  Birmingham.

Wiilka Geeriyooday ayaa ahaa 8 Jir kaas oo ku sugnaa Guriga weerarka uu dhacay sida ay Warbaahinta u xaqiijisay Sacdiyo Furre oo ka mid ah Qoyska la weeraray.

Arrintaan ayaa abuurtay walaac xoogan oo la soo darsay Soomaalida ku nool waddanka Sweden gaar ahaan Magaalada Gothenburg.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!