Baledweyne, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ay xireen sadex sarkaal oo lagu tuhmay iney ku lug lahaayeen dil dhawaan halkaas loogu geystay sarkaal hore.
Ragga la xiray waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullahi Barre, Mumin Cali Siad iyo nin kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey Indabuur.
Ragaan ayaa loo qabtay tuhun la xiriira dil labo habeen ka hor magaalada Baledweyne loogu geystay sarkaal hore oo la oran jiray Col. Xaashi Xuseen Diriye, kaasoo maamulku sheegay iney dileen rag ka tirsan milteriga Soomaaliya.
Waxaa shalay magaalada Baledweyne mas’uuliyiinta maxkamada ciidamada gobolka Hiiraan oo dhawaan la magacaaabay, iyadoo ay horay usii raaceen dambi baarayaal isugu jira milateri, boolis iyo nabadsugud.
Mareeg.com